Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaya jiritaanka dastuuriga ee hey’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana sameeyay xadgudubyo dastuurka ah.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynaha uu is hor-taagis ku sameeyay xil gudashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee u xil saaran dib u eegista ansixinta wax ka bedelka Dastuurka iyo qabashada afti dadweyne oo si kama dambeys loogu ansixinayo
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay xeerka uu maanta saxiixay Madaxweynaha uu baalmarsan yahay Dastuurka KMG, mana laha wax raad sharci ah.
“Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-