Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay ciyaartoyda xulka Gobolka Banaadir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Xulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay xiddigaha Galmudug wanaagga ay soo bandhigeen, kuwaasi oo hantay kaalinta Labaad cayaarta, isaggoo dhiiri-geliyey isdhexgalka Bulshadda, waxaana Madaxweyne Farmaajo ciidanka ammaanka uu ku ammaanay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen sugida amniga garoonka Eng. Yariisow.
“Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray xulka gobolka Banaadir, isaggoo ku boggaadiyey kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeen.”Waxaan hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Waxaan kaloo ku bogaadinayaa kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeen, Waxaa ammaan mudan intii ka shaqeysay qabanqaabada koobkan xiisaha badnaa iyo taageereyaashii dhiirrigalinta la garab joogay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble
Xidigaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta lagu soo gabo gabeeyay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee degmada C/casiis.