Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda C/qaadir Maxamed Nuur, waxaana qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, iyadoo ay Garoonka Waajid kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaas.
Ujeedka wafdigaan ayaa waxaa uu yahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda guud ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo deegaano kale oo hoostega degmadaas, sida ay sheegayaan wararka aan helnay.
Sidoo kale Wasiirka Cadaalada iyo wafdiga la socday ayaa inta ay ku sugan yihiin halkaas kulan la qaadan doona Maamulka iyo qeybaha kala duwan, isla markaana kala hadli doona arrimo ku aadan oo ku aadan deegaanka oo muhiim ah in wax laga qabto.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan degmada Xudur iyo deegaano kale oo hoostega ayaa waxaa go’daamiyay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana halkaas ay dagaalo ku dhexmareen Ciidamad dowladda iyo Shabaabka.