Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cusmaan Balal ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa looga hadlay kulankaas iyo waxyaabihii uu Wasiirka kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey.
Balal Cusmaan ayaa kala hadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin, iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay la tashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah.
Ugu dambeyn Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.