Ciidanka xoogga dalka oo maanta howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere, ayaa bur buriyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen halkasi, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Ciidanka waxay sheegeen in dilka uu yimid ka dib markii ay weerareen Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab.
Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.