Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maalinta berri ah Golaha Wasiirada la horgeyn doono liiska illaa 15 Safiir oo cusub, inkastoo khamiistii hore ay goluhu soo diideen liiska Safiiro 12 ahaa, waxaa soo diidmadda lagu sababeeyay in aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga 4.5 iyo xubnaha la soo gudbiyay oo u badnaa hal beel, taasoo ay su’aalo ka keeneen Wasiirada qaar.
Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli muddo xileedka Madaxweynaha talada haya uga dhiman tahay dhowr iyo labaatan cisho, waxaana ay u muuqataa mid Xukuumadda u adeegsaneyso olole siyaasadeed, maadaama xubnaha qaar ee Safiirada loo magacaabayo ay ka yimaadeen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada taageersan dowladda Federaalka.
Magacaabida safiiradan cusub, waxay khasab ka dhigaysaa in iyagana xilka laga qaado safiirro hadda xilal haya, si kuwan boosas u helaan waxaa jira safaarado bannaan oo aan safiir lahayn sida Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Uganda, Midowga Yurub, Ingiriiska, Faransiiska.
Dowladaha qaar sida kuwa carabta ee Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay soo diideen inay aqbalaan safiirro dowladda Soomaaliya hore ugu magacawday.
Dowladaha waa weyn sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Midowga Yurub waxaa muuqato in dowladda Soomaaliya aanay safiirro u magacaabaynin duruufo dhaqaale awgood.
Magacaabidan haddii ay dhaqan gasho, waxaa la filayaa inay galaafan doonto safiirro hadda xilal ka hayo wadamada Ruushka, Pakistan, India, Kenya, Mareykanka, Koofurta Sudan, Itoobiya iyo Sudan, kuwaasoo boosaskooda ku weynaya hannaanka awood qeybsiga, sidoo kale Safiirada la magacaabayo howlgalintooda iyo aqbalaadooda dalalka loo dirayo waxay qaadan kartaa muddo 60 cisho.