Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa saaka gaaray degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay banneeyen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana wararkii u dambeeyay ee aan helayno ay sheegayaan in degaanadaasi ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda oo si nabad ah kula wareegay degaanadaasi.
Ciidanka ayaa gaaray degaanka Comood oo 30km u jira degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada Guutada 15aad Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ay saacado ka hor gaareen degaankaasi.
madaxa Howlgalada Guutada 15aad qeybta 21aad Cabdulaahi Cali Dhimbil ayaa xaqiijiyay in degaankaaasi ay la wareegeen iyagoon wax dagaal ah galin, waxaana uu intaa ku daray in Al-shabaab ay degaanka isaga bexeen kadib culeys kasoo wajahay Ciidanka Dowladda Ciidanka Xoogga, waxaana uu carrabka ku dhuftay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ka sameynayaan Gobolkaasi, oo dhawanahaan ay ka dhacayeen dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda.
Shalay ayay ahayd markii Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana shalay galinkii dambe dagaal xooggani uu ka dhacay degaanka Bacda, iyadoo dagaalkaasi la sheegay in uu ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.