Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in door mug leh ka qaadato xal u helidda xaaladda cakiran ee ka taagan doorashooyinka dalka, iyadoo laga duulayo heshiiskii 17-kii September ay dhinacyadu ku gaareen Magaalada Muqdisho.
Puntland ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay jiraan caqabado soo baxay, kuwaa oo horgudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka.
Puntland ayaa sheegtay in isku dhacyadii 19-kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho, ay abuureen kalsooni-darro siyaasadeed, mid amni iyo weliba mid bulsho, kuwaa oo sida ay sheegtay wiiqay guulihii laga gaaray wada-tashiyadii socday.
Puntland ayaa soo saartay 3 qodob oo ay sheegeyso inay tahay in la raaco, si dib loogu abuuro kalsoonidii luntay, lagana gungaaro ismari-waaga wiiqay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka
Halkan ka akhriso qodobada ay Puntland soo jeedisay