Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii Aqalka Madaxtooyada kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed.
Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo geba-gabadii kulankaasi Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda dalka ku soo korortay, ee ka dhalatay xanuunsidaha COVID-19.
“Waxa uu kulankani si gaara ugu saabsanaa arrimaha cudurkan hadda soo laba kacleeyay ee COVID-19, oo runtii ay warbixin fiican ka bixisay xaaladda uu marayo Wasiirka Caafimaadka, Foosiya Abiikar.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.
Afhayeenka ayaa sheegay Ra’iisal Wasaare Rooble in uu ganacsatada ka codsaday, sidii awalba ay u caawin jireen shacabka Soomaaliyeed inay haddana kaga qayb qaataan gurmadka socda.
“Waxaanu uu Ra’iisal Wasaaruhu ganacsatada ka codsaday, sidii awalba ay u caawin jireen in ay qayb xoog leh ka qaataan ka qaybgalka caawinaadda uu dadka gaysanayo iyo sidii dhibaatooyinka taagan ee Oxygen yarida ka jirta, leeskaga kaashan lahaa, arrintaas-na runtii is faham weynaa laga gaaray.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray “Ganacsatadu si weyn ayay uga hadleen, way soo dhaweeyeen, waxaana ay sheegeen mar walba inay diyaar u yihiin, qayb-na ka qaadanayaan sidii loo caawin lahaa, loona garab istaaggi lahaa dowladda.”
Somaliya ayaa la hardameysa wareeg 2aad oo xanuunka COVID-19 ah, wuxuuna xanuunka u muuqdaa mid mararka qaar gilgilaya awoodda hay’adaha caafimaadka iyo isbitaalada, gaar ahaan marka uu qofka u baahdo qalabka lagu neefsado.