Guddiga Waxbarashada ee Degmada York ee Gobolka Ontario ee Wadanka Canada ayaa habeenkii Talaadada ee 2-dii bishan u codeeyay in Dugsiga Sare ee Vaughan (Vaughan Secondary School) loogu magac-daro Hodan Axmed Siciid Naaleeye.
Hodan Naaleeye oo ahayd Saxafiyad Soomaaliyeed, balse haysatay dhalashada dalkaasi Canada ayaa 12-kii bishii July ee sanadkii 2019 lagu dilay weerar abaabulan oo ismiidaamin ku bilowday, laguna qaaday Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo. Maalin ka dib weerarkaasi sida uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa weerarka lagu dilay 26 qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen.
Toban ka mid ah laba iyo tobanka xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga Iskuulada ee Degmada York ayaa u codeeyay in iskuulkaasi loogu magac-daro Hodan Naaleeye.
Guddiga Waxbarashada ayaa geba-gabadii codeyntaasi sheegay in magaca Hodan Naaleeye uu yahay kan ay doorteen dadka deegaanka. Hodan ayaana ku noolleed xaafadda uu iskuulkaasi ku yaalo.
Tallaabada magaca looga bedelay iskuulkan ayaa yimid, ka dib markii ururada dadka madowga u dooda ay sheegeen in ninkii horey loogu magac-daray iskuulkaasi uu ahaa nin cunsuriya, dadkana adoonsan jiray. Sidoo kale Soomaalida degan dalkaasi ayaa muddooyinkan u ololeynaya in magaca laga bedelo iskuulka.
Dhanka kale qoyska Hodan Naaleeye ayaa soo dhaweeyay in Dugsiga Vaughan loogu magac-daro (Hodan Nalayeh High School).
Axmed Siciid Naaleeye oo ah aabaha dhalay Hodan Naaleeye ayaa arrinta ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, isla-markaana ay gabadhiisa mudan tahay in iskuulkaasi loogu magac-daro.
Sahra Axmed Siciid Naaleeye oo la dhalatay Hodan ayaa sheegtay in arrintani ay farxad gelisay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, oo qoyskoodu ugu horeeyo.
Warbaahinta caalamka ayaa hadalhaysa Dugsiga Sare ee loogu magac-daray Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye