Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saqdii dhexe la weeraray jeelka weyn ee Boosaaso, halkaasoo uu dagaal culus ka soconayo.
Xoogag hubeysan oo aan heybtooda la garanayn, balse lala xiriirinayo Shabaab iyo Daacish midkood ayaa weeraray xabsiga Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qaraxyo, ay barbar-socdeen hoobiye-yaal laga soo tuuray bannaanka magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in xoogaga weerarka soo qaaday ay iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada xabsiga, oo markii dambena uu gurmad xoog leh soo gaaray. Ma cadda in ay xabsiga ka dhex dagaalamayaan iyo in kale.
Dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in magaalada si weyn looga malqayo dhawaqa rasaasta, iyadoona dadku ka walaacsan yihiin xaaladda caawa ku soo korortay magaaladaasi.
Inkastoo dhaqdhaqaaqa dadka uu yaraa xilligii uu weerarku bilaabanayay ayaa waxaa haddana xilligan wadooyinka magaalada lagu arkayaa oo ciidamada ammaanka oo keliya.
Xabsiga Boosaaso ayaa waxaa ku xiran oo lagu hayaa shakhsiyaad lala xiriirinayo kooxaha nabadiidka, horeyna uu xukuno kala duwan ugu dhacay.
Saraakiisha ammaanka ayaan weli ka hadlin weerarka culus ee caawa lagu ekeeyay mid ka mid ah xabsiyada dalka ee ugu ilaalada adag.