Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD , Dr Workneh Gebeyehu ayaa Axadii lasoo dhaafay 7-da Maarso Diblomaasi Soomaaliyeed Nuur Maxamuud Sheekh u magacaabay afhayeenkiisa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xoghayaha guud ee Ururka.
Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa waddanka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh, oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka cusub ee Urur Goboleedka IGAD.
The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedkan.
Mr. Nuur Maxamuud Shiikh, wuxu mudda 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda, isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Urur Goboleedka IGAD, waxa ku midaysan sideed waddan oo kala ah: Soomaaliya, kenya, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, Eritrea, Uganda iyo Sudan.