Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka cusub Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.
Safiiradda ayaa waxaa Arbacadii waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War qoraala oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyay waxyaabihii kulankaasi looga hadlay.
Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabily Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Somaliya, Marwo Kate Foster.”
“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn ka dib, ka wadahadlay xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Muqdisho, si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.
“Sidoo kale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay, sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysay ee Gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.”
dhanka kale Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa la kulmay xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Xubnahan ayaa qayb ka ah Guddiga qaban-qaabada ee aaska Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday dalka Kenya.
Ma cadda waxa kulankaasi looga hadlay, balse qoraal la soo dhigay barta Madaxtooyada Jubbaland ku leedahay Facebook ayaa u qornaa “Waxaan caawa la kulmay Guddiga qaban-qaabada aaska Alle ha u naxariistee Madaxweynahii hore ee dalka, Marxuum Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.”
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu Guddiga ka wareystay qaabka ay aaska Madaxweynihii hore u qaban-qaabinayaan iyo weliba goobta uu aaskii ka dhici doono.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mar sii horeysay oo maanta ah sheegay in shaqada Guddiga ay tahay diyaarinta hab maamuuska dowliga ah ee aaska qaran ee Madaxweynihii hore loo samaynayo.
Wax badan lagama ogo in Madaxweynaha Jubbaland ka qaybgeli doono aaskaasi qaran iyo in kale, balse Madaxda Qaranka ayaa Salaadda Janaasada meydka marxuumka kula tukan doono Garoonka Aadan Cadde, Jimcaha berrito.