Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.
Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkan iyo 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.