Amiir Hamzaha Jordan ayaa saxiixay warqad uu ku balan qaaday inuu u hogaansamayo dhaqamada iyo qaababka qoyska boqortooyada ee Hashemite ee xukuma.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada boqortooyada xabsi guriga la geliyay Amiir Xamzah ayaa la fududeynayaa.
“Waxaan ahaan doonaa mid daacad u ah dastuurka Boqortooyada Haashimite ee qaaliga ah ee Urdun, mar walbana waxaan noqon doonaa mid caawimaad iyo taageero u fidiya haybaddiisa boqorka iyo amiirkiisa dhaxalka leh.”ayaa ka mid ah waxyaabihii ku qornaa qoraalka uu saxiixay amiirka.
Amiir Hamzah, amiirkii hore ee dhaxalka boqornimada, ayaa saxiixay warqadda kadib markii uu la kulmay amiir Xasan, boqorka adeerkiis, iyo amiirro kale Isniintii sida ay shaacisya maxkamadda boqortooyada.
“Danaha dalka hooyo waa inuu ka sarreeyaa tixgelin kasta. Dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa boqorka dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta Jordan iyo danaheeda qaran, ”ayaa lagu yiri warqadda.
Warqadda la saxiixay ayaa timid ka dib markii King Abdullah II uu ogolaaday inuu galo dhex dhexaadin si uu u bogsiiyo khilaaf ka dhex jira qoyska boqortooyada.
Dawladdu waxay ku eedeysay Amiir Hamzah inuu ku lug lahaa shirqool fidno ah oo “khalkhal galinaya amniga boqortooyada”, waxayna la xireen isaga ugu yaraan 16 qof oo kale, oo uu ku jiro Bassem Awadallah, oo horay u soo noqday wasiir ka tirsan golaha wasiirrada,madaxna ka soo noqday maxkamadda boqortooyada.
Qasrigu wuxuu sheegay in Abdullah uu ka codsaday adeerkiis aabihiis, Prince Hassan, inuu “ka qabto su’aasha Amiir Hamzah ee ku saabsan nidaamka qoyska Hashemite (xukuma)”.
Axaddii, mas’uuliyiinta Urdun waxay sheegeen inay fashiliyeen “shirqoolkii xumaa” ee uu waday Amiir Hamzah isagoo gacan ka helaya shisheeye. Hamzah wuu dafiray wax door ah wuxuuna sheegay in loo bartilmaameedsanayo inuu ka hadlo musuqmaasuqa iyo maamul xumada.
Dowladaha Mareykanka iyo Carabta waxay si deg deg ah ula safteen King Abdullah kadib xariggii Sabtidii, taas oo ka tarjumeysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Jordan.
Hamzah – oo Cabdullah ka xayuubiyey darajada dhaxal-sugaha taajkii 2004 – wuxuu ku eedeeyay hoggaanka Jordan musuqmaasuq, eex iyo xukun kalitalisnimo.