Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer ku tegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda maalinta Ciidanka Xoogga kula dabaaldagay geesiyaashii dhowaan ka adkaatay Argagixisadii isku dayday inay soo weeraraan fariisimaha Ciidanka ee Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Safarka ra’iisal wasaaraha ayaa la xiriiray u kurgalida xaaladah nololeed ee ay ku nolyihiin,dhirigalinta ciidamada iyo ka qayb galka xuska maalinta 12 April oo ku aadan Aas aaska ciidanka xoogga dalka.
Ciidanka xoogga ayaa wax uu ku amaanay guulihii ugu danbeyay ee ka soo hooyeen la dagaalankii dgaalamayaasha Al-shabaab,isagoo Rooble dhinaca kale ugu baqaay in ay halka ka sii wadaan waxqabadka iyo dadaallada kale.