Tartankii dhexmarey caawa xaafadaha kala ah Isha (B) iyo Horseed (A) oo iskula jirey Group (B) waxaa uu ahaa mid xiisa leh oo labada xaafadoodba soo bandhigey tartan Qurux badan asluubna ku dheehan tahay .
Xaafadaha oo la kala waydiiyey min Todobo su’aal ayaa xaafada Horseed (A) tartanka ka heshey dhibcooyin gaareya 14 dhibcood
Halka xaafada Isha (B) la timid 4 dhibcood
Guusha waxey raacdey xaafada Horseed (A)
Hambaliyo labada xaafadba madama ay dadaal fiican sameeyeen.