Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dambe oo xalay ahayd gaaray Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo.
Wafdiga Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Axaddii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Injiili.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.
Diblomaasiyiinta ku wehlinaya safarkan Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Congo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhigooda dalkaas iyo madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi ayaa qaadan doonto laba cisho, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.