Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhiirigelin ugu tagay, Saraakiisha iyo Ciidanka Ururka 37aad ee Ilaalada Wasaaradda Gaashaandhigga.
General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaasi ku sugan kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Kormeerkan ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka ay dhinacyada mucaaradka ku eedeysay inay kala qaybinayaan Ciidamada Qaranka, iyagoo markaasi hab beeleed u kala fur furaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu si rasmi ah hawlgalada hoggaamintooda ugala wareegay Taliska AMISOM.