Dowladda Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday burburka qayb ka mida haraadiga gantaalkii ay hawada sare u direen in saaka uu ku soo dhacay Badda Carbeed.
Shiinaha ayaa gantaalka Long March 5B hawada sare u diray 29-kii bishii April, kaasoo ay markii dambena sheegeen inuu maamulkiisu ka fara baxsaday.
Gantaalkan oo laga ganay Jasiiradda Hainan ee dalka Shiinaha ayaa qalab u siday saddex cirbixiyeen oo Shiinaha u dhashay, kuna sugan hawada sare. Qalabkan ayuu qorshuhu ahaa in lagu dhameystiro Saldhigga Shiinaha ee hawada sare.
Goobaha dayax gacmeedkaasi lagu raadraaco ayaa waxay kormeerayeen dib u soo noqoshada gantaalka weyn ee Long March 5B.
Laanta kormeerka iyo raadraaca dayax gacmeedyada ee Militariga Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay soo dhicitaanka Long March.
“Qof kasta oo kale oo raacaya dib u gelitaanka Long March 5B wuu nasan karaa. Gantaalku wuu soo dhacay.” Ayaa lagu sheegay war ay soo saareen.
Gantaalkan ayaa dhaliyay cabsi iyo hadalhayn badan, tan iyo markii Dowladda Shiinaha ay toddobaadkii hore sheegtay inuu faraheeda ka baxay.