Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay qareen ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka.
Qareenka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Bagadi) ayaa Maqribinadii xalay lagu dilay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay rasaasta ka haleeshay qaybaha kore ee jirkiisa, isla-markaana uu goobtaasi ugu geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray rasaastaasi.
Raggii falkaasi gaystay ayay u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan, ka hor intii aanay gaarin ciidamada ammaanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Booliska Degmada Hodan ay xaafadaasi ka sameeyeen hawlgal aanay cidina ku soo qaban.
Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Cadaaladda ee Facebook ayaa looga tacsiyeeyay geerida Abukaate Bagadi.