Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markale loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalka Jabuuti kadib markii uu ku guuleystay doorrasho ka dhacday dalkaas 9 kii Bishii Apriil ee sanadkan.
Munaasabadda dhaarinta & Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay madax badan oo Afrikan ah, sida madaxda dalalka Kenya, Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhaarinta kadib goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxda ka socota dalalka Afrika ee munaasadda ka qyeb galay, isaga oo balan qaaday in Shacabka Jabuuti uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono.
Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu sii xoojin doono xiriir kala dhaxeeyay wadamo badan oo Caalamka ah, kuwaas oo ay iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo horumarka.
Dhamaan Madaxda ka qyeb gashay Xafladda Caleemo-saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay balan qaadeen inay kala Shaqeyn doonaan dhinaca amniga iyo iskaashiga Ganacsiga.