Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in 52 kun oo Falastiiniyiin ah ku barakaceen duulaanka Israa’il ku heyso magaalada Gaza.
Ciidamada cirka ee israa’iil ayaa duqeyn ku dumiyay 450 dhismo oo ay deganaayeen dad rayid ah taas oo sababtay in dad badan noqdaan hoy la’aan.
Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobe Jens Lerke ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay 47,000 la dejiyay 58 iskuul oo ay maamusho Qaramada Midoobe kuwaas oo ku yaal magaalada Gaza.