Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa dayactir ku sameeyay dhabaha diyaaradaha ku cararaan marka ay ka deggayaan iyo marka ay ka duulayaanba Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.
Militariga Burunta ee qaybta ka ah AMISOM ayaa dhameystiray dayactirka dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Maxamed Dheere.
Militariga Burundi ayaa dib u habeyntan ku sameeyay dhirarka 3km iyo balaca 30 mitir ee Garoonka Maxamed Dheere.
Dib u habeyntan ayaa diyaaradaha waaweyn u sahli doonto inay ka cago dhigtaan garoonka, oo ku yaala goob wa-xoogaa ka durugsan Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Garoonka ayaa hadda u diyaarsan inay deggi karaan diyaaradaha nooca Antonov C-130 ee qaada xamuulka gaaraya labaatanka tan, sida lagu sheegay war ka soo baxay AMISOM.
AMISOM oo dayactir ku sameysay dhabaha Garoonka Jowhar
previous post