Dadka wadanka Fiidnaam ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan xildhibaanada baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 500 kursi.
Dadka codaynaya ayaa la faray inay xirtaan maryaha sanka lagu xirto maadaama uu dalkaasi ka mid yahay wadamada uu sida daran uga jiro xanuunka safmareenka ah ee Karoona.
Musharaxiinta ugu badan waxay ka tirsanyihiin xisbiga talada haya ee Shuuciga ah halka musharaxiinta madaxa banana ay gaarasyaan wax ka yar 5%.
In kabadan 69 million oo qof ayaa codaynaya waxaana ay sidoo kale soo dooranayaan golaha degaanka iyo gudoomiyaasha degmooyinka.
Doorashadii ugu dambeysay ee dalkaasi Fiidnaam ka dhacday waxaa codeeyay 67 million oo qof.