Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan bam gacmeed lagu weeraray xarunta baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in bam lagu tuuray gudaha xarunta baarlamaanka oo ku yaal ka soo horjeedka saldhigga booliska magaalada Jowhar.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay bamkan sida laga soo xigtey mid ka mid xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle oo ku sugnaa gudaha xarunta xilliga uu weerarku dhacay.
Ciidamada Booliska iyo ciidamada Haramcad ayaa baaritaano ka sameeyay guryaha ku dhow dhow xarunta baarlamaanka waxana la sheegay in la soo qabtay qof lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay weerarka bamka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka magaalada Jowhar ee la xiriira weerarka bamka.