Wasaaradda Waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in aysan kala tashan halka ay imtixaanaadka Dugsiga Sare ku galayaan arday ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha.
Wasiirka wasaaradda waxbarasha maamulka K/Galbeed ayaa sheegay iney wasaaradda waxbarashada XFS kala hadleen halka ay ardeydaas ku galayaan imtixaanaadka Dugsiga Sare ee ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyad buuxda ay ka saran tahay waxbarida ardeyda ku nool deegaanada maamulkaas isaga oo tilmaamay in wasaaradda waxbarashada XFS ay arintaas kala hadleen islamarkaana ay wasaaradda XFS ay u sheegtay in aysan imtixaanaadka ku qaadi Karin degmada AFgooye ee gobolka SH/Hoose.
Dadka ku dhaqan deegaanka ceelasha Biyaha ayuu wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed sheegay iney diideen iney magaalada Muqdisho ay ardeydooda ku galaan imtixaanaadka dowladda ay qaadeyso islamarkaana ay codsadeen in badalkeeda loogu wareejiyo degmada AFgooye oo halkaas ay ku galaan ardeyda ku nool deegaanka ceelasha biyaha.
Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Oo eedeyn u jeedisay DF.
previous post