Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India, Virander Kumar Paul.
Madaxweynaha ayaa muujiyay dadaalada miro-dhalka ah ee dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah Somaliya.
Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi India, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada shacab.
Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha Dowladda India horumarka muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimoqraadiyadda, la dagaalanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyay in uu kala kulmi doono shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soo dhaweyn wanaagsan.
Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay Danjiraha India
previous post