Danjiraha Dowladda Itoobiya ee dalka u joogga, Amb. Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa maanta Madaxweynaha Jubbaland ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u joogga Somaliya, Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Warka laguma sheegin waxyaabihii kulankaasi looga hadlay, waxaase soo baxaya warar sheegaya inay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaana Danjiraha uga mahadceliyay booqashada uu hoygiisa ku soo gaaray.
Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, Safiirka Itoobiya ee dalka u fadhiya ayaa maalmihii ugu dambeysay kulamo la qaadanayay Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 3-dii bishan May waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Itoobiya.
Safiirka Itoobiya oo hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Jubbaland
previous post