Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa is bedel ku sameysay Maamulkii Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib dagaalka toddobaadkii hore ku dhex maray Gudoomiyihii Degmada Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdullaahi Cabdi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada, Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda.
Wasiirka ayaa Ismaaciil Abuukar Maxamed u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, iyadoo Yaxye Qaasim Cabdullaahi loo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, halka Cabdikhani Maxamed Xasan loo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda.