Boqolaal qoys oo barakacayaal, kuna nool Magaalada jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta raashiin iyo agab kale, oo ay ka dugaashtaan roobabka.
Qoysaskan ayaa ku barakacay fatahaadda Webiga Shabelle, ee ka dhalatay roobabka mahiigaanka ee ka da’ay Gobolada Koonfurta.
Daadadka fatahaadda ayaa harqiyay tuulooyinka hoos-tagga Magaalada Jowhar, iyadoona ay jareen labada waddo ee laga galo magaaladaasi.
“Barakacayaasha ayaa helay raashin iyo agabyo aan cunto ahayn oo ay ku deeqday AMISOM, ayna u qaybiyeen Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe. In ka badan 900 oo qoys ayaa ka faa’iideystay deeqdaan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay AMISOM.
Xasan Yuusuf Abuukar oo ka mid ah odayaasha tuulada Baareey ayaa ka mahadceliyay deeqda ay AMISOM u soo marisay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab ayaa goor sii horeysay sheegay in toddobo kun oo qoys ku barakaceen fatahaadda Webiga Shabelle.
Qoysaskii ku barakacay fatahaadda Webiga Shabelle oo deeq la gaarsiiyay
previous post