Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar, iyadoona uu dagaalku u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ugu dhaqaaqay deegaanka Warta Jilible ayaa waxaa iska caabin xoog leh ugala horyimid maleeshiyada Al Shabaab, oo doonayay inay difaacdaan gacan ku haynta deegaankaasi.
Intii uu dagaalku socday maleeshiyaad kale oo Shabaabka ka tirsan ayaa weeraray deegaanka War Ciise, oo bilowgii toddobaadkan ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Dagaalka ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Militariga.
Tiro ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka oo uu ku jiro Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax ayaa lagu dilay dagaalka.
Korneyl Cali Xaashi, Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen 70 ka mid ah mintidiinta Al Shabaab.
Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Warta Jilible.
Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga Dalka ka bilaabeen gulufka militari ee ka socda.
Hawlgalkan oo bilowday dhammaadka toddobaadkii hore ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, waana hawlgal ka duwan hawlgaladii hore ee gobolka laga waday.
Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe
previous post