Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sheegaya inuu doonayo in go’odoominta ay ka baxaan degmooyin ka tirsan gobolka Bakool ee Maamul goboleedka Koofurgalbeed.
Laftagareen oo ku sugan degmada Waajid ayaa ka sheegay kulan uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Waajid qorshihiisa ah in la isu furo wadooyinka gobolka Bakool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed Maxamed ayaa sheegay in kulanka uu Madaxweyne laftagareen Bulshada deggmada ka xog wareystay xaaladaha kajira degmada.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Waajid ay madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyeen baahiyaha dhinaca amniga iyo caqabadaha kale ee heysta & in Ciidamadii horay loo qarameeyay ee ku sugan degmada inay helaan xaquuqdooda.
Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolkaas ee u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Bulshada ku nool degmadaas heysta dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca Nolosha ah.