Waxaa xalay koox hubeysan ay magaalada Muqdisho ku dhaawaceen Weriye Hanad Cali Gulleeed, oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.
Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysan toorey ama mindi ay dhaawac u geysteen weriyaha, islamarkaana waxaa ay ka qaateen taleefoonadii uu watay.
Hanad Cali Guleed oo hadlay ayaa sheegay in afar dhalin yaro ah ay tooray ku weerareen, isagoona sheegay in dhaawac ay u geysteen kooxdaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadku ay qaati ka taaganyihiin koox burcad ah oo dadka xiligii habeenkii taleefoonada ka dhaca.