Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka qadka foggaan aragga ee Zoomka uu uga qeyb galayo Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan dalka Turkiga.
Shirkan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta doorashada, wixii ka qabsoomay heshiiski bishii hore ee 27 May, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan jadwal doorasho, maadaama mudadii 60 maalmood ee horay loo qabtay ay muddo bil qaadatay kala shaandheyntii iyo magacaabida Guddiga doorashada labada heer iyo Xalinta Khilaafaadka.
Furitaanka Shirkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka Taleefanka kula hadlay Cali Guudlaawe uu ka dalbaday raalli gelin si shirka u furmo, iyadoo laga xaliyay wixii tabasho uu qabay
Qoraal shalay ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu qaadacay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu caddeeyay in aanay wax talo ah ku laheyn shirkaas, wixii ka soo baxana aanay quseyn.
Shirkan ayaa la qorsheynayaa inuu qaato muddo labo cisho ah, si wixii farsamo ee ku saabsan arrimaha doorashada looga hadlo.