Furitaanka Kambanigan ayaa waxaa ka soo qeyb qaley maamulka Degmada Baydhabo oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada ahana duqa Magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Bikoole) iyo gadoomiya ku xigeenkiisa Isaxaag Xasan Maxamed (Teygaab) iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Deegaanka iyo faydhoorka Dowladaha hoose ee Degmada Baydhabo Xasan maxamed Nuur (Simba)
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Nuur Xaaji lataliye sare oo ka tirsan waaxada faydhoorka Dowladaha hoose ee Degmada Baydhabo,Ugu dan been waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada ahana duqa Magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Bikoole)
Dhamaan shacabka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga baaqey in ay la shageeyaan kampaniga Bay Iftiin waste management company