Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saqdii dhexe ee caawa calanka dalka saaray Aqalka Villa Somalia, si loo maamuuso maalinta xorriyadda iyo midnimada ee 1-da Luulyo.
1-da Luulyo waxay ku beegan tahay maalintii Gobolada Koonfureed ka xaroobeen gumeystihii caddaa ee Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga.
Madaxtooyada Muqdiso ayaa caawa lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 61aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta ka xaroobeen gumeyste-yaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, isla-markaana ay midoobeen.
Madaxweyne Farmaajo oo calanka saaray Villa Somalia
previous post