Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay in ciidameeda jooga dalka Mali
ay dib u bilaabayaan howlgalada ka dhanka ah ururada hubeysan ee dalkaas
ka jira.
Wasaaradda difaaca Faransiiska qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in
ciidamadooda ay mar kale dib u bilaabayaan baacsiga kooxaha hubeysan ee
xiriirka la leh Al-qacida oo dalka Mali ka dagaalama.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalkaan ay dib u bilaabeen kadib markii
ay wada tashi la sameeyeen madaxda dowladda ku meel gaarka ah ee Mali iyo
dawladaha dariska la ah kuwaasoo muujiyay walaaca ay ka qabaan halista
ururada argagixisada ah.
Faransiiska ayaa bilowgii bishii hore ku dhawaaqay inuu joojiyay dagaalka ka
dhanka ah ururada hubaysan ee argagixisada loo yaqaan ee uu ka waday
dalka Mali markaasoo ciidamada Mali ay xukunka ka tuureen dowladii ray’idka
aheyd.