Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ku gaareen magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay amniga doorashooyinka, teegeerada beesha caalamka ee dhaqaale iyo farsamo ee hirgelinta doorashooyinka dalka.
Dalalka saaaxibada la ah dalka Soomaaliya ayaa hore u balanqaaday inay bixin doonaan dhaqaalaha ku baxa doorashada haddii heshiis dhab ah laga gaaro.
Kulankan ayaa imanaya xilli Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Dowladda Goboleedyada dalka, ay 29 June 2021, soo saareen jadwalka doorashooyinka dalka, kaas oo xeerinaya in ugu dambayn doorashada madaxtooyada la qabto 10 October 2021