Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo maalmahaanba booqasho ku joogay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray fasiirimaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin duleedka degmadaasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa soo kormeeray buuraha dhaca duleedka Buulo Burde, halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliska Qaybta 27aad u sheegay in xeryaha ciidamada dib loo dhisi doono.
General Odawaa ayaa kormeerkaasi ka dib u soo ambabaxay Magaalada Muqdisho.
Jananka ayaa Isniintii xariga ka jaray Xarunta Taliska Qaybta 27aad, oo laga furay dhismihii hore Shiirkole ee degmadaasi.