Tirada dadka ku dhintay rabshadaha ka socdo dalka Koonfur Afrika ayaa gaartay 72 qof, ka dib qulqulatooyinka ka dhashay markii la xiray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira toban qof oo isbuurasho ku dhintay, xilli habeenkii Isniinta ay bililiqo ka socotay goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka Soweto ee Magaalada Johannesburg.
Ciidamada Militariga ayaa lagu daad-gureeyay wadooyinka magaalooyinka ay rabshadaha ka socdaan, si ay gacan u siiyaan Ciidamada Booliska.
Booliska oo kaashanaya militariga ayaa Talaadadii qaybo ka mida dalkaasi uga hortagay dad badan oo boobayay goobo ganacsi.
Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa dadka qalalaasaha ka wada dalkaasi ugu baaqay inay joojiyaan fowdada ay ku carqaladeynayaan amniga, isla-markaana ay ilaaliyaan xasilloonida dalka.