Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa galabta u damaashaad tagay Xeebta Degmada Baraawe.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa damaashaadkiisan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii).
“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi iyo waxgaradka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa damaashaad iyo jirdhis ku qaatay xeebteena quruxda badan ee Baraawe.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.
Cali Saciid Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa degmadaasi, oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.
Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo uu maamulku si ku-meel-gaar ahi ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo.