Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socda Midowga Afrika oo ku saabsanayd mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Warbixintaasi ayaa ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya Decembar 2021-ka, kuwaasi oo kala ahaa: Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midobay; in dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM, in ciidamo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya, iyo in AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhaliilay tayada ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan la howlgelin ciidamada Soomaaliya, taas oo keentay in la hana waayo ammaanka guud ee dalka, sida uu hadalka u dhigay wasiir Maxamed Cabdirisaaq.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaabsheegay in Warbixintaas aan wax wadatashi ah laga sameyn dowladda Soomaaliya, isla markaana ay tahay mid aan waxba kajirin.