Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu soo saaray kaga digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marin habaabin ku tilmaamay guddiga baariseed ee uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in ay sharci darro tahay in guddi guddi kale lagu dul magacaabo.
Wuxuu Raysal wasaaruhu faray xeer ilaalinta maxkamadda ciiddamada qalabka sida in ay dardar galiyaan kiiska Ikraan Tahliil, si ay qoyskeeda u helaan caddaalad madax bannaan oo ka maran faro galin.
Farmaajo iyo Raysal Rooble ayaa dib khilaafkooda usoo xoogaystay, kadib markii uu fashilmay dadaalo lagu doonayay in khilaafkooda xal laga gaaro.