Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax oo booqasho ku joogga Magaalada Beledweyne ayaa waxa uu kormeeray Buundada Liiliiqato, oo dayactir ballaaran lagu sameeyay.
Wasiirka iyo xubnaha ku wehliya safarkiisa ayaa kormeeray Buundada Liiliiqato, oo muhiim u ah isu socodka dadka ku dhaqan labada daamood ee magaalada iyo ganacsigaba.
Wasiirka ayaa dhinaca kale magaalada kula kulmay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, isagoo ka dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha gobolka.
Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Wasiirka ka codsaday in dib loo dhiso Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Buulo Barde, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay bishii hore qaraxyo ku burburiyeen. Gudoomiyaha ayaa sheegay in garoonkaasi uu muhiim u yahay dadka deegaanka iyo guud ahaanba reer Hiiraan.