Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidankii Ahlu Sunna ee uu hoggaaminayey Sheekh Shaakir Cali Xasan ay waaberigii saaka ka baxay saldhigyadii ay uga sugnaayeen magaalada Guriceel kadib dagaal socday muddo 4 cisho ah.
Ciidamada Ahlu Sunna ayaa ugaga baxay magaalada Guriceel kadib wadahadalo illaa xalay ka socday magaalada Guriceel.
Ciidanka ayaa u baxay deegaanka Godwiil ee dhinaca dhinaca Waqooyiga degmada Guriceel.
Wararka ayaa sheegaya in dadaal ay sameeyeen ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug ay ku guuleysteen inay ka baxaan Ahlu Sunna.
Ururka Ahlu Sunna ayaa uga tagay labo gaari oo ah kuwa gaashaaman gudaha xarunta Jaamacadaha iyadoo gaadiidka dagaalkana ay ahaayeen kuwo ay Ahlu Suna ku qabsadeen dagaal ka dhacay Bohol bishii hore.