Muqdisho waxaa ka socota diiwaan gelinta musharixiinta utartamaysa kurraasta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Axmed Aadan Dagaal (Safiina) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay billaabatay doorashadii Golaha Shacabka ee muddo dheer Xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed dhan wada sugaayeen.
Waxaa uu tilmaamay Afhayeenka in doorashada Aqalka Hoose lagu billaabayo kurraasta dadka Reer Somaliland matalaya, isagoo sheegay in la billaabay labadii kursi ee ugu horreesay ee Gobollada Waqooyi.
Hadalkiisi waxaa uu intaa ku daray in isbuucii hore ay shaqada soo billaabatay oo ahaa diyaarinta Odayaasha Beelaha iska leh, diyaarinta ergooyinkii lahaa, ee diiwaan gelinta ama hubinta CID-da ay soo mareen.
“Maanta iyo maalintii shalay ahayd waxaa socda diiwaan gelintii musharixiinta, sida uu jadwalku yahay waxaa inoo hadhay qabashadii doorashada haduu illaah yiraahdo maanta wixii ka dambeeya.”
Wuxuu sheegay in jadwalka doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi uu ka duwan yahay jadwalada doorasho ee kale, islamarkaana kuraasta Reer Somaliland ay leeyihiin habraac u gaar ah, kaas oo sheegaya in halkii ergo ay dooran karaan min hal illaa shan kursi, sidaa daraateed laba kursi oo isku ergo ah oo ergo wadaag ah oo midkood ah waxaa ay leeyihiin 50 Xubnood waa sida uu hadalka u dhigee Afhayeenka