Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo booqasho ku joogga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa xalay kulamo kala duwan kula qaatay qaybaha bulshada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qoraal ku sheegay in kulamadaasi uu la yeeshay odayaasha, haweenka, Maamulada Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo kan gobolkaba.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhinacyadaasi uu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda guud ee gobolka iyo midda Xudurba.
“Magaalada Xudur oo maalmahaan howlo shaqo u jooggo ayaa caawa kulamo kala duwan kula qaatay haweenka, odayaasha, Maamulada Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Maamulka Gobolka Bakool. Ka qaybgalayaasha kulamada ayaa ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda guud ee gobolka iyo tan Degmada Xudur.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraalkiisa.
Xudur ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay wajahaysay go’doomin daran, oo ay ku hayeen maleeshiyada Al Shabaab, taa oo sicir barar ka abuurtay magaalada.
Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay bulshada Magaalada Xudur
previous post