Manchester City ayaa ku tumatay deriskeeda Manchester United oo ay ku garaacday 2-0, ciyaar ka dhacday Old Trafford oo tababare Ole Gunnar Solskjaer kusii xumaysay xaaladda.
Laba gool oo qaybtii hore ay heshay Manchester City ayaa ugu filnaaday inay saddex dhibcood kasoo qaadato Old Traford oo ay si xarrago leh ugu dhex damaashaadaysay.
Eric Baily ayaa daqiiqaddii 7aad iska dhaliyey goolka koowaad ee Manchester City hoggaanka u dhiibay, midka labaadna waxa ku daray Bernardo Silva ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.
Man City ayaa u qalmaysay inay goolal intan ka badan dhaliso, waxaase ka diiday goolhaye David de Gea oo haddii aanu joogi lahayn ay natiijadu sidan kaga sii xumaan lahayd Red Devils.
Natiijadan waxay Manchester City siisay inay soo galaan kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaanay hal dhibic ka dambeeyaan Chelsea oo mar dhow la ciyaaraysa Burnley, halka Manchester United ay u dhacday kaalinta shanaad ee horyaalka oo ay haysato 17 dhibcood.