Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda qaranka lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa halka lix kalena la sii daayay.
Sida wararku ay sheegayaan Qaramada Midoobay ayaa u gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya codsi ah in si degdeg ah loo sii daayo dadka ku xiran Addis Ababa.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta in ay si dhow ula socdaan xaalada shaqaalaha laga xirey ayna ka war dhowrayaan xukuumada Abiy Axmed.
Saraakiisha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa booqday shaqaalaha la xiray, sida uu afhayeen u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo muddo sanad ah dagaal kula jirtay ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.
Xiisadda u dhaxaysa dawladda Itoobiya iyo Qaramada Midoobay ayaa aad u saraysay intii uu socday dagaalka, oo ay ku dhinteen kumannaan kun, sida laga soo xigtay qiyaasaha Qaramada Midoobay, boqollaal kun ku riixday xaalado macaluul la mid ah.
Dabayaaqadii Sebtembar, dawladdu waxay amartay in dalka laga eryo toddoba sarkaal oo sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan, ka dib markii lagu eedeeyay inay faragelin ku sameeyeen arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.
Xariga Addis Ababa ayaa yimid kagadaal markii lagu dhawaaqay lix bilood oo xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah todobaadkii hore, iyadoo fallaagada Tigreega iyo Oromada ay sheegteen horumarro waaweyn oo dhanka dhulka ah, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo inay soo galaan gudaha caasimadda.